DHAXALGAL

Kuma Ayeynu Nahay:

Dhaxalgal.com waa website madax banaan oo ay hirgeliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ducaad ah ujeedkiisuna yahay faafinta, uruurinta, iyo keydinta dhaxalka diineed ee ay ka tageen culimada diinta Islaamka, hadey tahay duruus, muxaadarooyin iyo mu’alafaat intuba, si loo helo minbar buuxin kara gaabiska heysta nashrinta dacwada Islaamiga.

Howsha Aan Qabaneyno

Mudnaanta ugu horeysa ee Dhaxalgal.com waa inuu bad-baadiyo keydka maktabada Islaamiga ee bariga Africa, islamarkaana uruuriyo dhamaan duruusta, muxaadarooyinka, iyo mu’alafaatka culimada muslimiinta intii la awoodo, Umaddana ka ilaalino afkaarta ahlu bidaca.

Wuxuu sidoo kale webku kaalin mugleh ka qaadan doonaa faafinta iyo nashrinta dacwada Islaamka, wuxuuna soo gudbin doono duruus cusub oo taxane ah, muxaadarooyin, dowraad iyo nadawaat diini ah.

Webku wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay maktabadaha Islaamiga ee dalka iyo kuwa dibadda, iyo weliba qaar ka mid ah mashaayikhda muslimiinta ee u taagan faafinta dacwada Islaamka.

Higsigeena

Dhaxalgal.com wuxuu higsanayaa inuu mustaqbalka noqdo keydka maktabada Islaamiga ee bariga Africa, buuxiyana gaabiska ka jira keydinta dhaxalka culimada Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweynayaa cid waliba oo diyaar u ah inay ka qeyb qaadato howshan aan u istaagnay.