Risaalada Al Caqiidatu Tadmuuriyah – Sheekh Xassaan Xusseen

Risaalada Al Caqiidatu Tadmuuriyah waa risaalo uu qoray Sheekhul Islaam Ibnu Teymiyah Allaha ha u naxariistee oo lagu tilmaamo kuwa ugu nacfiga badan ee laga qoray towxiidka Al-Asmaa wa Sifaat.

Wuxuu sheekhu risaaladan qoray xili uu ku sugnaa Magaalada lagu magacaabo Tadmur oo ku taalla dalka Suuriya kadib dalab uga yimid Arday joogtay magaaladaasi.

Risaaladan waxaa si faahfaahsan oo qurux badan dhawaan u duubay Sheekh Xassaan Xusseen Abuu Salmaan oo kamid ah culimada Muslimiinta Allaha xifdiyee.